Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah – ayaa lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ciidamada Yahuudda ay ku qaadeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa halka in ka badan 520 qof dhaawacyo loo geystay , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin .
Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta oo warbaahinta la hadlaya ayaa xaqiijiyay in carruurta dhaawaca uu soo gaaray ay ku jiraan kuwa da’dooda ay ka yartahay 10 sano.
Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa wuxuu ku eedeeyay kooxda Xamaas inay ka gudbeen “khad cas” oo ay la socdeen gantaalkii ay ku weerareen magaalada Qudus wuxuuna ballan qaaday jawaab adag.




From the comments