Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in derbi uu ku soo dumay qoys barakacayaal ah oo halkaas deganaa .
Inta la xaqiijiyay 7 oo isugu jira caruur iyo dad kale ayaa ku geeriyootay halka laba kale uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu ku soo dumay derbi ku yaalla xarunti ay daganaayeen .
Dadka geeriyooday ayaa sidoo kale la sheegay in 5 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, dadka ku dhaawacmay ayaa xaaladooda caafimaad hadda lagula tacaalaya mid ka mid ah isbitaalada ku yaallo magaalada Muqdisho .





From the comments