Goobjoog

Soomaaliya iyo Kenya oo Soo Celiyey Xiriirka Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirka diblomaansiyadeed ee kala dhaxeyaya dowladda Kenya . Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalada oo shir jaraa’id warbaahinta…

Soomaaliya iyo Kenya oo Soo Celiyey Xiriirka Diblomaasiyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay xiriirka diblomaansiyadeed ee kala dhaxeyaya dowladda Kenya .

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalada oo shir jaraa’id warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo celisay xiriirkeedii kala dhaxeeyay Kenya .

Al-cadaala ayaa sidoo kale sheegay in soo celinta xiriirka labada dal ay gacan ka geystay dowladda Qatar oo si aad ah Xukunka Farmaajo u taageerto

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa iyada oo la ilaalinayo golaha deris wanaagga ku dhawaaqeysa in dib u soo celisay xiriirkii diblomaansiyadeed ee ay lala heyd Jamhuuriyadda Kenya” .

Al-cadaala ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Madaxweeynayaasha labada Dal waxa ay Amiirka dalka Qatar uga abaal hayaan ugana mahad celinayaan dadaalka uu ka geystay arintaan . ”

Soo celinta xiriirta Soomaaliya iyo Kenaya ayaa lala xiriirinayaa booqashada ergayga Qatar Mudhlaq uu ku tagay labada dal isaga oo arkay Farmaajo iyo Uhuru

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments