Dowladda Soomaaliya ayaa dhiggeeda shiinaha kala wareegtay Talaal loogu tala galay in looga hortago xanuunka Corona Virus .
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa safiirka shiinaha ee Soomaaliya garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kaga gudoontay 200,00 oo ah Talaalka BBIBP-CorV oo sidoo kale loo yaqaano Sinopharm Vaccine kaas oo ay soo saartay dowladda Shiinaha .
Soomaaliya ayaa horay loo keenay Talaalka Astrazeneca kaas oo qeyba ka mid ah dalalka Caalamka Ay dad ugu dhinteen.




From the comments