Goobjoog

Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo Wariye Kilwe Xukun ku Ridday

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun ku ridday Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ku xiran mid ka mid ah xabsiya Puntland Puntland ayaa wariye Kilwa kusoo eedeysay in uu duubay…

Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo Wariye Kilwe Xukun ku Ridday

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun ku ridday Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ku xiran mid ka mid ah xabsiya Puntland

Puntland ayaa wariye Kilwa kusoo eedeysay in uu duubay muuqaa sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in aysan hayn wax cadayn ah oo ku saabsan eedayntaas, waxayna ku xukuntay 3 bilood ah oo xarig ah taas oo ka bilaabanaysa 28. December 2020 oo ah maalintii la xiray.

Kilwe ayaa muddo dhowr jeed ah Puntland sheegtay in uu u xiran yahay dambiyo kale.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments