Xukuumadaha Cairo iyo Khartoum ayaa Talaadadii shalay kala saxeexday heshiis iskaashi oo difaac ah, iyagoo u diray Itoobiya digniin culus oo ku saabsan muranka xadka Wabiga ee kala dhexeeya Khartoum iyo wadahadallada dhismaha Addis Ababa ee biyo xireenka weyn ee wabiga Niil.
Heshiiska Khartoum ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli labada dal militerigooda uu muddooyinkii u danbeyay xirriirkooda uu wanaagsana mas’uuliyiinta labada dhinacna aysameynayeen booqashooyin Heer Caalami ah .
Saxiixaya ayaana yimid kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Suudaan Mariam Al Mahdi ay la kulantay dhigeeda Masar magaalada Qaahira Talaadadii isbuucaa, waxa ayna labada dhinac ay ku eedeeyeen Itoobiya wada hadaladii istaagay ee mashruuca biyo xireenka waxayna ku boorinayeen in la keeno dhinacyo caalami ah wadahadalada si horumar loo gaaro.




From the comments