Goobjoog

Deg-Deg:- Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ayaa sheegaya in goordhaw uu saldhigga degmada uu ka dhacay qarax xoogaan . Qaraxana ayaa inta badan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka Gobalka banaadir…

Deg-Deg:- Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ayaa sheegaya in goordhaw uu saldhigga degmada uu ka dhacay qarax xoogaan .

Qaraxana ayaa inta badan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka Gobalka banaadir waxaana wararku ay sheegayaan in uu yahay qof watay jaakad laga soo buuxiyay  waxyaabaha qarxa .

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku daba jireen shaqsiga is qaraxiyay , taas oo keentay in uu khasaaraha yaaraado , sida ay illa ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ay inoo sheegeen .

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Xamar weeyne.

 

Wixii ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments