Wararka Goobjoog News ka heleyso degmada Matabaan ee Gobalka Hiraan, ayaa sheegaya in saakay ciidamo taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljameca ay la wareegeen gacan ku heeynta degmada .
Ciidamada ayaa la sheegay in ay aheeyn kuwa horay uga tirsana Ahlu-suna Balse markii danbe la qarameyay , iyagoo qeeyb ka noqday Taliska CXD guutada 15 aad .
Xarunta degmada , saldhig ku yaalay degmada iyo xaruma kale oo Muhiim ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku heeynta ciidamadan oo taabacsan Ahlu-sunna .




From the comments