Midawga Xubana musharixiinta doorshada madaxweeynaha ayaa war ka soo saaray xaaladihii ugu danbeyay ee dalka , si gaar ah shirka magaalada Dhuusa mareeb uga furmaya madaxda dowladda iyo dowlad gobaleedyada.
War saxaafadeed ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa marka hore waxaa tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Afriik .
“Golaha midowga Musharraxiinta wuxuu canbaareynayaa weerarkii argagaxisnnimo ee shalay lagu qaaday Hotel Afrlk, laguna beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu ka tacsiyeynayaa dhammaan dadkii halkaas ku geeriyooday, gaar ahaan Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kaa kaalin hoggaamineed ka soo qaatay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midawga .





From the comments