Wararka hada naga soo gaarayo Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in Halkaasi uu hada dib uga qarxay Dagaal u dhexeeya Labada beelood oo walaalo kuwaas oo wada daga deegaanka .
Illa iyo hadda ma cadda khasaraha rasmiga ah ee dagaalka, waxaaana wararku ay sheegayaan in uu weli socdo dagaalka.
Dhanka kale Ma jiraan ilaa hada Cid kala dhexgashay ama Dadaal ku bixinaysa Joojinta Colaadaasi Ciidamada Dowlada ayaa Xalay isku dayey inay Halkaasi aadaan balse waxa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Dhusamareb.




From the comments