Maamulka Isboortiga Degmada Waaberi ayaa kulan soo dhaweyn ah Magaalada Muqdisho ugu sameeyay ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya iyo qurbajoogta ku soo laabanaysa caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Degmada Waaberi.

“Waxaan diyaar u nahay soo dhaweynta qof kasta oo u baahan horomarinta isboortiga Degmada,waxaan ku haminaynaa in aan kor u qaadno guulaha ay degmada Waaberi ka samaysay ciyaaraha kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir” ayuu sheegay Guddoomiyaha Kubbadda Cagta Degmada Waaberi mduane Mahad Maxamuud Axmed (Boorow)






From the comments