Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka mid noqonaya kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo tababar muddo ku qaadanayay Xerada Tababarada Dhaan-karoone ee duleedka magaalada Galinsoor.
Madaxweeynaha Galmudug ayaana kula Dardaarmay ciidamada in ay howlaha loo igmaday ay u gutaan si hufan.
Ciidamada Maamulka Galmudug ayaana muddooyinkii u danbeyay bilaabay howl galo ka dhan ah Al-shabab kadib falal amaanka liddi ku ah oo Bilooyinkii u danbeyay ka dhacayay deeganada Maamulkaas .





From the comments