Madaxweynaha Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in maanta ay tahay dhammaadka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka, Donald Trump, isagoo ku tilmaamay Trump “Daalim”.
Ruuxaani ayaa u rajeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, inuu ku laabto heshiiskii nukliyeerka.
Madaxweynaha Iran wuxuu yiri, “Maanta waa dhammaadkii Trump, dulmigiiisa, iyo maamulkiisii xumaa,” wuxu sii raaciyay “Trump wuxuu ahaa argagixiso doqon ah, maantana waa maalintii ugu dambeysay noloshiisa siyaasadeed.”




From the comments