Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay kulan magaalada Xudur gobolka Bokool kula qaatay bulshada ku dhaqan magalaada qeybaheeda kala duwan, dhaqan iyo haweenka, kuwaas oo muddooyinkii dambe wajahayey xaalad nolol xumo oo ka dhalatay go’doonka saaran Xudur.
Madaxweynaha ayaa marka laga soo tago bulshada degmada waxaa uu sidoo kale la kulmay guddoomiyeyaasha Koonfur Galbeed ugu magacaaban deegmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuurre, madaxweynaha ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo gurman doono bulshada ku dhaqan gobolka Bokool ee kala go’doonsan.
Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka warbixiyey kulanka ayaa yiri” Waxaa uu la kulmay maamullada sedexda degmo Xudur, Tiyeeglow, Rabdhuurre dhammaan maamulkii gobolka iyo bulshada, sihoose ayaa la isku wareystay xaalada magaakada Xudur, waxaana rajo ka qabnaa haddii madaxweynaha uu joogo in barnaamijkeenna wax laga qaban doono, culeesyada jiro ayuu u yimid madaxweynahana waa uu ballan qaaday arrintaas” ayuu yiri Odayga.




From the comments