Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay waddada hormarta xarunta dambi barista ee CID-da ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, taas oo muddo u xirneyd xarunta oo ay u yaaleen koontaroollo iyo dhagxaan waa weyn
Waddadaan ayaa waxaa ay tahay mid halbowle ah marka loo eego isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyo halka ay kaga taallo Maka Almukarama, waxaana xirnaa qeyb kamid ah laamiga, ah kasoo horjeedka hotel Saxafi.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay markii la furay waddada ayaa sheegay in si rasmi ah loo furay, dowladdana ay ku howlan tahay furitaanka waddooyin kale oo xiran gudaha magaalada Muqdisho.




From the comments