Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Midowga Musharraxiinta, kulanka ayaa ka dhacay Hotel Duaale ee ku dhow garoonka Aadan Cadde.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadalay arrimaha la xiriira doorashooyinka oo maalin ka hor ay ku dhawaaqday xukluumadda federalka Soomaaliya oo ay wehliyeen madaxda maamullada qaar dalka ka jira.
Wararka hoose oo la helayo shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ay joogeen musharraxiin dhowr ah, kuwaas oo saluug ka qabay arrimaha doorashooyin, mana jiro wax war ah oo ku aadan shirka oo kasoo baxay labada dhinac .




From the comments