Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo xaruntooda magaalada Jowhar maanta ku yeeshay Kalfadhiga 1aad kulankiisi 15-aad , ayaa ka dooday xeer hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle .
Kulanka oo uu shir gudoominayay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa Sii Wadida Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamanka.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka HirshabeelleMudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) ayaa furitaanka kulanka xildhibaanada u Akhriayey dhamaan cutubyada Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.




From the comments