Wararka naga soo gaarayo goobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in nin xirnaa dharka ciidanka xoogga uu dil u geystay qof la xusay inuu ahaa shacab deegaanka Golweyn oo ka tirsan deegaannada gobolkaasi.
Marxuumka la dilay ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in isaga ninka dilka u geystay ay ku murmeen lacago uu weydiistay, taas oo uu ka dhago adeygay inuu dhiibo sidaas ayuuna ugu dhuftay xabad sida ay sheegayaan wararka.
Qofka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo deegaanka deganaa, waxaana uu ka mid ahaa kuwa ku shaqeysto mootada labada Lug leh ee loo yaqaano Ficon-ta, waxaana magaciisa lagu soo koobay Dhuure.




From the comments