Ciidamada booliiska sida gaarkaa u tababaran ee Haramcad ayaa howl galo Amni xaqijin ah xalay ka bilaabay magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle .
Howl galka oo laga sameyay xaafadaha magaalada ayaa la arkayay ciidamada Haramcad oo gaaf waregaya xaafadaha Magaalada.
Qaar ka mid ah Saraakiisha howl galka hogaaminaysay ayaa sheegay in la baadi goobayo xubna ka tirsan Ururka Al-shabab oo falal Amni daro ah ka fulinaya Caasimadda maamulka Hirshabe ee Jowhar.





From the comments