Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmaga Buurhakaba gobolka Bay ay ku qabteen rag ka tirsan Alshabab, sidoo kale ay ku burburiyeen xarumo ay la haayeen.
Deegaannada howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ee guutada 16-aad Ee Danab waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan,




From the comments