Golaha Midawga Musharixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka doorashada 2021, ayaa sheegay in ay ka digayan Heshiisyada Baarista iyo Qodista shidaalka dalka ee ay dowladd la gaareyso shirkada Shidaal baarista ,
Qoraal ka soo baxay Midawga Musharixiinta ayaa waxaa loogu baaqay Hanti dhowrka guud ee dalka, Xeer ilaaliyaha laga fiirsado Heshiisyada shirkadaha Shidaal Baarista, kaasoo looga digayo Bixinta qandaraasyada shatiga shidaal oo ay wasaarada Bartoolka la gelayso shirkada Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty.
“Dowlada Federaalka Soumaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah waxa ay 5-tii bishii June 201 hkii magaalada Bcydhabo ku sixiixdeen Heshiiska Wadaaga kheyraadka dabiiciga »h, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay, ugu danbeyna laga meelmariyay Golaha Shacabka ee DFS, kahor inta aan heshiiska la saxiixin” ayaa lagu yiri qoraalka .





From the comments