Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa bogaadiyay wax qabadka wanaagsan ay sanadkan muujiyeen kooxda Kubabdda Cagta Koonfur Galbeed ee ka qeyb gashay tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Ciyaartooyda Maamulka Koonfur Galbeed waxay sharaf u soo hooyeen dadka dagan guud ahaan Maamulkeena,waxaan Hambalyo lee yahay Macallimiinta iyo laaciibtii soo hooyay guushaas” ayuu Wasiir Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen ka sheegay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay kooxda Koonfur Galbeed.






From the comments