Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta ka furmaya shirkad sanadlaha ah ee machadka daarasaadka arrimaha siyaasadda ee Heritage , kaas oo sanadkan lagu qabanayo Garowe.
Garowe ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiinka kala duwan kuwaas oo ka qeeyb galaya shirka , Madaxweeynayaasha maamulada Galmudug , Puntland, Jubbalad, gudoomiyayaasha Baarlamaanka maamuladaas , guddoomiyayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka , xubnaha midawga musharixiinta marka laga reebo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeeyb galaya Shirka .
Ajendaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah : Xasilnta amniga dalka , sidii dalka looga qaban laaa Doorasho qof iyo cod 2025, Dhameystirka dastuurka KMG iyo Yagyeelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.




From the comments