Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa markale ka hadlay dibbadbaxyadii ka dhashay diidmada Shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii dambe kusoo noqnonayey magaalada Garowe,waxaana uu markale ku celiyey in ay muhiim tahay in sare loo qaado qiimaha shilinka Soomaaliga isagoo shaaciyey amarro cusub.
Xukluushii hore aan qaadanay oo aan is laaqadanay $1 ka yar inaan wax lagu gedi karin, taasna aysan kaafi ku aheyn inuu qiimaha shilinka uu soo noqdo baahidiisii, dowladdu waxaa ay qaadatay inaan lagu adeego karin wax ka yar 10$, oo Electronic ah, balse lagu adeegto $10 wixii ka badan oo lagu bixin karin, shirkadaha ka shaqeeya sida ay markii hore noola shaqeeyeen waa ay ku mahadsan yuihiin $1 hore ay u furtay Golis haddana ay bilowday Somtel “.
Madaxweynaha oo sii hadlaayo ayaa xusay in la kordhiyey laacagtii shilinka ee lagu qaadayey canshuurta dekadda sida uu yiri” “Dowladdu go’aan ku gaartay in lacagta shilinka Soomaaliga 10% in lagu qaado lacagta dekadda laga qaadi jiriray, waxyaabaha shinka ridaayo waxaa kamid ah, markii aan wareysanay dadkii waxyaabahaan ka shaqeyn jiray dadkii oo u wareegay lacagta Electronic ah oo isticmaalka shilinka uu yaraaday markii horena waan arkaynay”




From the comments