Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kooxda Koonfur Galbeed,kaalinta ay ka qaateen dhiiri-gelinta xidigahooda labadii ciyaar ay la dheeleyn kooxaha Jubaland iyo Puntland,wuxuuna intaa ku daray in Koonfur Galbeed ay u qalanto hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Diyaar Garowkii aan samaynay bilooyinkii la soo dhaafay waxaa laga arkayay garoonka,xidagaheena waxa ay soo bandhigeyn ciyaaro aad u wanaagsan,waxayna taas ku timid da’daalka iyo waqtiga aan ku bixinay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax




From the comments