Waxaa saacadihii tagay lagu xiray magaalada Baladweyn ee xarunta Hiiraan labo weriye , kuwaas oo la sheegayo in loo xiray sababo kala duwan.
Weriye Cabdiqaadir Faarax Dulyar ayaa la sheegaya in xalay lagala baxay Hetelkiisa kadibna lagu xiray saldhigga booliiska magaalada.
Saacado kadib, waxaa isna lala xiray weriye Maxamed Cusmaan Marakaan oo ahaa agaasimaha Radio Hiiraanweyn, sababta xariga waxaa lagu sheegay in uu quraac u geeyey weriye Dulyar, isla markaana uu hey’adaha amniga ka dalbaday in la si daayo.




From the comments