Xildhibaanda Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Koonfur Galbeed oo kaashanaya madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhaqaal lacageed ku wareejiyay maamulka,macallimiinta iyo guddiga kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Kulanka lacagta lagu wareejinayay ciyaartooyda Koonfur Galbeed waxaa xaadir ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Konfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Tamarata Biyaha Daahir Cabdi Cabdullahi(Dr.Go) ayaa u mahad celiyay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen,isagoo sheegay in lacagtan ay bilaaw u tahay dhiiri gelinta ciyaartooyda iyo macallimiinta Koonfur Galbeed.







From the comments