Kooxda Kubbadda Cagta Elman ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca caafimaadka la gashay Gacal Polyclinic Center oo ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho,waxaan heshiiska labada dhinac uu socon doonaa mudo labo sano ah,sida ay warbaahinta u sheegeyn madaxda labada dhinac.

“Wada shaqaynta iminka inoo bilaawatay anaga iyo Gacal Polyclinic Center waxay la jaanqaadaysaa jihada horomarineyd ee naada Elman Sports Club,waxayna arinta kor u qaadaysa badqabka ciyaartaaydeena” ayuu saxaafadda u sheegay Cali Axmed Maxamuud (Kuukaay) oo ah guddoomiye ku xigeenka kooxda Kubbadda Cagta Elman Sports Club.




From the comments