Gaari siday dad rakaab ah ayaa waxaa uu dab ku qabsaday gobolka Mudug, xili uu ku sii jeeday magalaada Gaalkacyo, gaariga ayaana ahaa nuuca loo yaqaano Leylo Calaawi , waxaana uu ka baxay magaalada Muqdisho
Qof ka tirsan ehelada qaar kamid ah dadka ku waxyeeloobay gaariga ayaa oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxaa uu u sheegay in dabka gaariga qabsaday ay ku geeriyoodeen laba ruux halka uu dhaawac soo gaaray shan ruux oo ka tirsanaa rakaabka gaariga saarnaa waxaana uu yiri.
“Waxaa ku geeriyooday 2 gabdhood oo ka yimid Muqdisho, waxaana uu dhaawac uu soo gaaray 5 ruux, 3 rag ah iyo laba gabdhood, waxaa xaalkooda daran yahay awoowe iyo 3 wiil oo kale oo ka raabka ka tirsanaa, waxaana uu dhaawac yar uu soo gaaray gabar yar oo awoowe la sucotay”




From the comments