Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dil saaka waabarigii ka dhacay deegaanka Godiblabe ee oo hoostaga degamada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas lagu dilay nin deegaan siweyne looga yaqaanay.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa nin mudo deganaa deegaanka, waxaana lagu dilay banaanka hore maqaaxi uu lahaa, waxaana toogtay nin isla deegaanka ah, marxuumka la dilay lagu magacaabayey Daahir Cabdulle .
Meydka marxuumka la dilay ayaa waxaa la geeyey deegaanka Mareergur, halkaas uu ka soo jeeday , laakiin isagu waxaa mudo dheer deganaa degaanka Godinlabe, sida ay Goobjoog News u sheegeen dadka deegaanka ku sugan.




From the comments