Dowladda Kenya ayaa ku tilmaantay “Arrin aan loo meeldayin” go’aanka Soomaaliya ay ku ceyrisay Safiirkeeda, una yeeratay midkeeda taasi oo bilow kale u ah dhibaato diblomaasi oo horleh oo labada dal ah.
jawaab uu ka bixiyey ceyrinta ambassador Lucas Tumbo, Xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in dalkiisa uu ugu jawaabi doono sida ugu haboon.
Macharia Kamau ayaa yiri“ Dhaqanka lama filaanka ah, ee aan loo meel dayin ee ay qaateen hoggaanka Soomaalida waxaa uu u baahanyahay inuu naga dego inta aanan ka hadlin”.




From the comments