Shirka wadatashiga musharraxiinta oo ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa galay maalintii afaraad, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada dalka, geedi u socodka, aragtida murashaxiinta waxaana ka qeyb galayo musharraxiin dhowr ah.
Marka laga tago musharaxiinta waxaanaa shirka ka qeyb galay, qeybo ka mid ah bulshada rayidla sida haweenka, culimada, dhalinyarada iyo ganacsatada, waxaa kale oo tagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiwali Muudeey.
Mas’uuliyiintaan ayaa shalay ilaa iyo xalay ku biiray shirka, waxaana sidoo kale Guddoomiye Xaashi wehlinaya siyaasiiyiin kasoo jeeda Somaliland, sida wasiir hore Maareeye iyo xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.




From the comments