Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa isniintii waxaa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo usoo diray la taliyihiisa amniga si ninka hore loola socodsiiyo hawlgalka Axmed ee ka dhanka ah Tigreyga.
Gedu Andargachew ayaa waxaa uu la kulmay Farmaajo, inkasta oo Villa Somalia aaney ka hadlin hadana waxaa shaaciyey safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaludin Mustafa.
Safiirka, waxaa uu sheegay in Andargachew uu Farmaajo hordhigay xaaladdii ugu dambeysay ee hawlgalka ka socdo waqooyiga Itoobiya ee lagu soo celiyo sharciga.




From the comments