Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ee dowlad goboleedka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare.
Shilka gaari ayaa yimid kadib markii ay ku dhaceen Gawaari Xamuul ah, kuwaas oo ku safraayey wadada, waxaana la sheegayaa in ay ahaayeen shan gaari oo isku dhacday, waxaana ay sideen alaabo kala duwan.
Wariyaha Goobjoog News ee Puntland ayaa waxaa uu soo sheegayaa in labo ruux oo mid ah ay tahay haween ee geeriyoodeen, halka uu jiro dhaawacyo fudud oo soo gaaray tirio dad ah.









From the comments