Goobjoog

Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka

Shirka Todobaad laha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay uuna shir Guddoominayay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha mudane Axmed Cismaan Cilmi Karaash. Kulanka ayaa lagu meel…

Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2021-ka

Shirka Todobaad laha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay uuna shir Guddoominayay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha mudane Axmed Cismaan Cilmi Karaash.

Kulanka ayaa lagu meel mariyey  miisaanidayadda dowlad goboleedka Puntland ee 2021-ka, taasi oo caddad ahaan dhammayd 341,861,037.

Miisaaniyaddan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland caawa waxaa ka muuqda korar dakhliga gudaha ah oo gaaraya 5%, taasi oo ka dhigan in wax soo saarka guduhu uu kordhay xilli ay jirto xir xirnaan badan oo uu keenay Cudurka Corona Virus .

Kadib ansixinta Golaha Wasiirada waxaa la horgayn doona Golaha wakiilada si ay u ansixiyaan dhaqan galna u noqoto ama ay wax ka badal ugu sameeyaan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments