Arrimaha Amniga
Wasaaradda Amniga Galmudug oo Taageero Weydiisatay Saafaaradda Mareykanka
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay wasiirka qorsheynta maamulkaas oo maalmahaan ku suggnaa Muqdisho ayaa maanta xarunta Safaaradda Maraykanka waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka…

Published November 3, 2020
Akhris 1 daqiiqo ah
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay wasiirka qorsheynta maamulkaas oo maalmahaan ku suggnaa Muqdisho ayaa maanta xarunta Safaaradda Maraykanka waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Xubnaha ay la kulmeen wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Mareykanka u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.
“Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowaynaysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aasaasayso” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.
Goobjoog News
Goobjoog Newsletter
Ka hel Goobjoog wixii cusub.
Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.
From the comments