Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada loo kala wareejiyay wasaaradaha ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo sidoo kale wasaarada maareynta iyo masiibooyinka Dowladda Fedraaka Soomaaliya.

“Waxaan gaarnay guulo waaweyn mudadii aan joognay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya,waxaan sidoo kale qabyo noo ahaa shaqooyin waxaan Wasiir Xamse ku soo dhawaynaa Waasarada,maadama uu horay u ahaa ciyaaryahan hore” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Khadiijo Diiriye oo iminka loo wareejiyay wasaarada gargaarka maareynta iyo masoobooyinka Soomaaliya.







From the comments