Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus.
Guddoonka Bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19.
12-kaan bilyan ayaa loo isticmaali doona iibinta iyo qaybinta tallaalka cudurka corona, waxaana loogu tala galay inay ka faa’iideystaan dad gaaraya hal bilyan oo qof.




From the comments