Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, saxiixan ayaa ka dhacay safaaradda Mareykanka ee gudaha Muqdisho.
Dowlad Mareykanka ayaa sheegtay iney Soomaaliya ka cafineyso in ka badan hal bilyan oo Doolar taas oo qeyb ka ah deymaha ay Soomaaliya ku leeyihiin dalalka Paris club.
Saxiixa maanta dhacay waxaa Goobjoog ka ahaa wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Rooble iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.





From the comments