Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baaro $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xiriirto Koroona oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA).
Shaqaalaha isbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa isbitaallada guud ee dalka.
Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday gudiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baaraan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyadoo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha.




From the comments