Ciidamada amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah maamulkaasi.
Howlagallada ayaa guud ahaa kuwo laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay Kismaayo, ciidamada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxaa ay kusoo qabteen tiro dad ah kuwaas oo u badnaa dhallin yaro oo gaarayey 500 ruux.
Gaashaanle Warsame Axmed Geelle hoggaaminayo howlagalka ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga magaalada, waxaana uu intaas ku daray inuu howlagalladaan ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinaayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.




From the comments