Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Golaha Hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed.
Codbixinta golaha ka dhacdau waxaa ogolaaday 139 Mudane , waxaana diiday 2, wax ka aamusay ma jirin sida la soo werinayo.
Dhanka Kale Mudanayasha Ayaa Ka Doodaya:
1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed
2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed
3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey
Kulanka Ayaa Waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey
Goobjoog News




From the comments