Goobjoog

SONNA: Xogga Dalka Ayaa Dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab

Sida ay qortay SONNA, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saddex ka tirsan Al-Shabaab waxay ku dileen tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen…

SONNA: Xogga Dalka Ayaa Dilay Saddex ka tirsan Al-Shabaab

Sida ay qortay SONNA, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saddex ka tirsan  Al-Shabaab waxay ku dileen tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le; Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Al-shabaab ee Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan.

G/le; Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments