Waxaa hakad la giliyay tartankii kubadda cagta ee ka socday Garoonka Laqanyo Stadium kaasi oo aay qabsoomiddiisa iska kaashanayeen Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne oo kaashanaya kan gobolka Hiiraan,loona qabtay 8-naadi oo heerka koobaad ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi) ayaa lagu war giliyay dhammaan kooxaha tartanka ka qeyb galaya iyo taageerayaasha in maanta wax kulan ah aaysan jirin.






From the comments