Waxaa isi soo tareysa saameynta uu fatahaadda wabiga shabeelle uu geysanayo gobolka shabeellaha dhexe iyadoo ay deegaanno horleh biyahu gaareen waxaana ka mid ah kuwa hoostaga degmooyinka Jowhar,Mahadaay,iyo Balcad.
Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali oo ka hadlayay xaalada soo korortay ayaa sheegay in deegaanno hor leh ay go’doomeen biyaha maadaama ay jareen wadooyin iyo sidoo kale dhul beereedkii.
“Waxaa jirta xaalad oo soo wajahday dadka ku nool deegaannada hoos yimaada Magaalooyinka Jowhar ,Mahadaay iyo Balcad kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay inka bilaawdeen fatahaadii wabiga shabeelle uu ka waday gobolka sidaa daraadeed waxaa bulshada soomaaliyeed ka codsaneynaa in dadka ay saameeyeen lala soo gaaro gurmad deg deg ah ayuu yiri guddoomiye salaax muudeey Cali.





From the comments