Qoraal kasoo baxay xisbiga Hiil qaran ayaa lagu sheegay in fashilka Villa Somalia uu khatar gelinayo Soomaaliya. Xisbigan Hiil Qaran waxaa uu bayaankiisa ku xusay in natiijada ka dhalatay doorashadii 2017-kii ay shacabka niyad wanaag u muujiyeen laakin lix bil uun kadib la arkay karti xumida maamulka iyo inuu u hammuun qabo kaligiitalisnimo iyada oo ay meesha ka baxday rajada ay shacabka ka qabeen nabad, dib u heshiisiin iyo xikmad siyaasadeed ay wax walba noqdeen hal bacaad lagu lisay.
“Kooxda Mr. Farmajo oo u ooman xukun ballaarsi ayaa ayaa ku dhegay dowlad goboleedyada si ay si buuxda gacanta ugu dhigaan gobollada deegaannadaas. Xakamaynta gobolladaasi, waxay moodayeen, inay ka caawinayso inay sugaan doorashada madaxtinnimada ee 2020. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqday bartilmaameedka koowaad” ayaa lagu yiri qoraalka.
Arrimaha bayaanka lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in talaabadaasi ay xigeen ceyrinta guddoomiyaha maxkamadda sare oo lagu bedelay qof aan garsoore noqon, sida ay u daba dhigteen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo iskudeygii dhicisoobey ee tuurista madaxweynaha Jubbaland. Iyada oo ay u dheertay Xasilooni la’aanta Muqdisho iyo istaraatiijiyadda Villa Somalia ee ladagaalanka Al-shabaab oo noqotay jidgooyada Muqdisho taasi oo dhibaato ku noqotay muwaadinka iyada oo ay meesha ka baxday riyadii ay dadku ka qabeen doorasho “qof iyo cod “ah.




From the comments