Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhaxay maqaayad ku taallo afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, taas oo lagu magacaabo Luul Yamani.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxo ayaa isku qarxiyey ilinka hore ee maqaayadda xili dadkay ku jireen waqtiga qadada, goobtuna ay aheyd mid aad u mashquul badan.
Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayadda, wolow laama amniga ay sheegeen in aysan jirin askar wax ku noqotay qaraxa sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidan Booliska Sadiiq Aadan Cali, isaga oo xusay in ilaaladu u diideen in uu gudaha u galo maqaayadda.




From the comments