Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ee howlgalka Mareynkanka Afrika ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn diyaaradaha mareykanka ay ka gaysteen gobolka Jubbada Hoose.
Waxa lagu sheegay qoraalkan in duqeyntaas lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab kuwaas oo la yiri ‘’ waxa ay ku dhuumalaysanayeen Jubbooyinka ‘’
Qoraalka laguma faahfaahin magacyada lagu dilay weerarkaas , waxase lagu xusay in ay jiraan xubno kale oo dhaawac uu ka soo gaaray duqeymaha.




From the comments