Sii hayaha wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaas oo sanadkaan la daah furay.
Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda fedraalka Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo badan ka mid ah dalka.




From the comments