Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan nin la sheegay inuu ku la bisnaa dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maanta dad shacab ah ku laayey degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay sida la sheegay goob lagu tumo waxyaabaha loo yaqaanno minkiska, waxaana jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay, rasaas uu ninku riday dadkii goobta ku sugnaa.
waxaa Inta la xaqiijiyey ku geeriyooday weerarka uu geeystay ninka hubeysan 2 ruux, halka uu dhaawac ka soo gaaray 8 kale kuwaas oo badnaa haween kuna sugnaa goobta , waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.




From the comments